Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

kosoo dhawaw webka allpuntlandar أخواني وأخواتي الكرام

shekoyin jacayl ciyaaraha ilaqosol gabayada maxaa cusub hoyga wararka geeraro hoyga diinta murti iyo mahmahyo heeso xula aqon kororsi nagala xiriir ruwayado heeso  dasturka puntland



halkanka akhriso murti & maahmaahyo oo aan filayo inaad kaheli doontid

murti                 

Bakhayl & nin miskiin ah.

Waxaa jiri jiray nin ku caan baxay bakhaylnimo oo lagu tilmaamo in ay labada gacmood go'an yihiin dadka qaarkood ay yiraahdaan waxa uu ka xanaaqaa (Hoo) ama wax siinta,ninkan bakhayl nimadiisa xitaa waxaa og dadka masaakiinta oo aan weligood wax weydiisan nin kani waa nin xoolo leh oo lagu tilmaamo taajir waayeel waase bakhayl aad u jecel hantida badan.

Maalin maalmaha ka mida ayuu ninkii bakhaylka ahaa kasoo baxay gurigiisa isaga oo sida madiibad weyn oo caano ka buuxaan ninkii bakhaylka ahaa ayaa madiibadii siiyey nin tuugsanaya ninkii tuugsanayey ayaa u qaadan waayey oo isaga oo yaaban qabsaday madiibadii markii uu hoos u eegay waxa uu arkay in ay caano ka buuxaan, markaas ayuu hoos isu weydiiyey "alla war manta bakhaylkii ma illaahbaa iiga nixiyey"ninkii miskiinka ahaa ayaa caanihii isku qabtay oo aan u neefsan intii uu calooshiisa ku hubsanayey, isaga oo weli hortaagan bakhaylkii markuu caanihii dhamaystay ayuu ku soo jeensaday ninkii oo ku yiri adeer maxay dadku beenta kaaga sheegaan, nin wanaagsan oo faxal ayaad tahay ee maxaan hadalkooda rumaystay oo aan beri hore kuu baran waayey, bakhaylkii oo dhoolo cadaynaya ayaa miskiinkii ugu jawaabay.

Adeer been igamay sheegin haddii aan caanahaas qoroto iga ga dhici lahayn wale inaadan cabteen oo calooshaada degdeg ugu shubteen ninkii miskiinka ahaa oo weli gacanta ku haya madiibadii oo madhan ayaa hoos u eegay mise qoroto ayaa gunta fadhida inta uu madiibadii tuuray ayuu mantag ku waashay isaga oo layaaban naxariisdarada bakhaylka caan baxay heerka ay gaarsiisantahay markaa bakhaylkii ayaa la'ogaaday in uu naxariisdaro ku darsaday.

Waxaa noosoo diyaariyey Axmed Cabdi Qodax

INA SANWEYNANA U GEE !

Eraydan dusha sare ku qorani, waxay ka mid yihiin weedho la isticmaalo, oo wax lagu la baxaayo, laakiin waxay ku yimaadeen sheeko dheer oo dhacday, kadibna ay ka dhalatay xigmad iyo odhaahdani. Bal haddaba aynu soo qaadanno sidii ay ku baxeen erayadani:

Ina Sanweyne, wuxuu ahaa nin Soomaaliyeed, oo aad iyo aad u caqli badan, aqoon weyna u leh xeerarka iyo garta Soomaaliyeed.

Waxaa jirtay, inay Soomaalidu lahayd hab dhan oo xeerar ah oo u dejisan bulshada, sidii ay isu xukumi lahayd, laguna kala gar bixi lahaa.

Marka khilaaf yimaado, waxaa la isla tegi jiray geedka iyo shirka ee may jirin wax maxkamado iyo qaadiyaal ihi waayadii hore. Maxkamad waxaa la sameeyay markii ay dawladnimo timid, ha ahaato tii gumeysiga ama kuwii kale ee Soomaaliyeed ee kala dambeeyay. Qaadi isna waa qofka wax ku xukuma diinta islaamka.

Bulasha dhexdeedka waxaa ka soo bixi jiray niman ku noqda garta iyo kala saaridda dadka aqoonyahanno la isula yimaado.

Sida ay sheekadani ku baxaday, waxaa la yidhi: waxaa jirtay gar adkaatay, oo markii la naqaba, racfaan laga qaato, oo meel kale iyo dad kale la isula tago. Waxay noqotay gar cid gooysa oo soo afjarta la waayay.

Waxaa markii dambe loo keenay Ina Sanweyne. Ina Sanweyne si fudud oo loo qaadan waayay, ayuu gartii muddada dheer soo jiitamaysay u dhammeeyay, ugana faraxashay, iyadoo labadii dhinacba aad uga mafsuudeen, sida uu ku dhammeeyay garta.

Arrintaasi warkeedi, dadkii Soomaaliyeed ee meel kasta yaalay ay uu ku dhex faafay, waxaana la isgaadhsiiyay in uu Ina Sanweyne yahay ninka Soomaaliyeed ee ugu gar yaqaansan. Marka ay rubato ama rakata, la isula tago ama la soo egmado. Egmasho waa mar qof laga dhigto afhayeen kuu doodda.

Intii xilligaas ka dambysay, dadka Soomaaliyeed ee loo doorto Xeerbeyti, ee gar qaadaa, marka soo bandhigayaa go´aankooda ee soo gebagebeeyaa, ayaa waxay ku xidhaan hadalkooda: Waa sidaas go'aankayagii aannu soo gaadhnay. Waana gar saxa. Waxayna intaas ku daraan:

- Ina Sanweynana u geeya !!

Xigmadda meesha ku jirtaa waxay tahay: "Wax dambe oo gartaas ka imanayaa ma jiro, cid kasta haddii loo geeyo, xittaa Ina Sanweyne, oo garta ugu haysta Soomaalidu. Sidaas aanu idinku xukunay, ayuun bay nagu raacayaan. Markaas sidaas garta go'aankiida ku aqbala, oo ku qaata.

Waxaanu kasoo qaadaney iskuna soo daba riday Ahmed Mohamed {majabir}

wadaadkii & wankii 

Waabaa wadaad waxaa loo keenay nin xanuunsanaya oo layiri wadaad ninkan noo dawewe.

oo quraan noogu akhri markaas ayaa wadaadkii isla galabnimaddii arigii soo dhexmaray oo waxa uu ku arkay wan weyn oo illaa 5 sano jir ah oo galaalan.

markaas ayuu makhribkii yiri ninkan wan galaalan ayaa u sadqo ah ee hala qallo wadaadkuna hilib cun ayuu ahaa markaas ayaa wan yar oo lax nuugaya lasoo qabtay markaas ayuu inta uu sidaas u fiiri yey isaga oo yaaban oo filayey in kii uu galabta arkay la soo qaban doono yiri subxaan war bal inta uu le'eg yahay oo uugalaalan yahay .

waxaa inoo soo diyaariyey

Axmed maxamad noone
 

MA ANIGAA KEENAY SUDAANTA

Halhaysan kor ku xusani, wuxuu ka mid yahay, halhaysada aadka loo xigto, ee ku dhashay dhacdo xaqiiqo ah, kadibna, noqday halhays ma hadho reebay. Haddaba sidii uu ku baxay halhaysani waa sidan:

Waxaa jirtay 60naad:kii inay Soomaalidu xiiso weyn u haysay fanka iyo heesaha Sudaanta, ee wadanka Sudaaan. Waxa aad loo dhegaysan jiray fanaaniinta waaweyn ee dalka Sudaan, ee ay ka mid yahay: Maxamed Alwerdi, Saalax Al ibnal Khaliif Al-baadiya, Albalaabil oo ahaa laba hablood iyo qaar kale oo badan. Heesihii aad looga xiisayn jiray, waxaa ka mid ahaa, kuwa uu qaadi jiray Maxamed Alwardi ee "Cumaral Suhuur" "Ashraqal Subxu" iyo kuwii uu qaadiri jiray Saalax Al Ibna Khaliif Al-baadiya ee ay ka mid ahaayeen : "Muddo Badan maanan idin arag" oo uu af Soomaali ku qaadi jiray, "Cabuud wa Aadan Cabdalla", oo loo tiriyay labada madaxweyne ee dalalka Sudaan iyo Soomaaliya. Waxaa iyana aad loogu riyaaqi jiray cododka dahabiga ee hablaha "Albalaabil".

Dhinaca kale Sudaaniyiintu, waxay iyana aad uga heli jireen fanaaniinta Soomaaliyeed, waxayna aad u dhegaysan jireen codka dahabiga ee fanaanada weyn ee Soomaaliyeed Xaliimo Khaliif "Magool". Waxay codkiisa isna ku raaxaysan jireen, oo si weyn Sudaan looga dabadhacay Maxamed Suleymaan "Tubeec" iyo fanaaniin kale oo badan oo ay ka mid tahay Khadiija Qalanjo.

Waxay labada wadan iswaydaarsan jireen booqashooyin iyo socdaallo fanneed, oo ay labada dal ku kala tegi jireen kooxo ka tirsan fanaaniintu, kana soo bandhigi jireen masraxiyado.

Haddaba, sida ay ku dhacday dhacdadan, aynu ka hadlaynaa, waxay ahayd ayaa la yidhi: In fannaaniinta reer Sudaan oo oodahoodu iyo dhigahoodi wataa ay booqasho ku yimaadeen dalka Soomaaliya, oo ay soo mareen magaalomadaxda kowaad iyo tan labaad.
Markii ay yimaadeen magaalada Hargeysa, waxay ka tumeen xarunta weyn ee beerta Xoriyada. Halkaasi oo dadweynihii reer Hargeysa isugu soo baxeen, oo meel la kala fadhiisto la waayay. Waxaana fannaaniinta lagu qubay waxyaabo badan oo lagu muujinayay jacaylka loo qabo.

Gabadh ka mid ahayd dadweynaha xiisaha weyn u haya Suudaanta iyo fankooda ayaa, marka ay waxoogaa joogtaba, fannaaniintii reer Sudaanta mid ka mid ah inta ay kacdo, sudhaa dahab ka mid ah dahabkeedii badnaa ee ay isku soo sharaxday habaykaas qiimaha weyn la leh awgeed,

Dhaqanka Soomaalida ee arrintaas ku abbaarani, wuxuu yahay: in fannaanka la siiyo saacad ama dahab, markuu heesta dhammeeysto, inuu si qarsoodi ah, ugu soo celiyo alaabtii la siiyay, dadkii siiyay. Laakiin Sudaantu, wixii lagu guddoonsiiyo meesha macfalka, indhaha kumayaalka qof hortood ee loogu deeqo, waxay u qaataan, wax aan waxba ka soo noqonaynin. Waa dhaqankooda. Waxaana la siiyaa marka ay heesayaad lacag wejiga lagaga dhejiyo ama jeebabka loogu guro. Sidoo kale saacaddo iyo wixii qaali ah ee ka soo gaadha dadka ay u heesayaanna sidaas ayay u qaataan, in la siiyay.
Gabadhii dahabkii badnaa ee ay habeenkaas sudhay fanaantiinta reer Sudaan, haba yaraatee, wax kaga soo noqday ma jirin. Sidii ayay gurigeedii ku qabatay iyadoo ka fara madhan dahabkii badanaa ee ay xidhnayd. Qaar kaatunno ayay faraha u gelisay, qaar kalena waxay qoorta u sudhay Silisyo.

Waxay garan wayday si ay seygeedi ugu sheegto, dhibaatada dhacday, waxayna isaka gaabsatay afkeedi. Mudo ka dib, ayuu waydiiyay seygeedi, waxaa ku dhacay dahabkeedii iyo meesha uu maray, waxayna ugu jawaabtay weedh gaaban, hase yeeshe, huwan xigmad iyo hawraar badan, taasi oo aan cidna ka daba hadlin ee ay arrintii ku xidhantahay. Waxay tidhi:

Ma anigaa Sudaanta keenay?

waxaanu ka helney ahmed "majabir"

 maah maahyaha                   

maahmaahyo 

1) Abaal raaga rag baa leh.
2) Adigoo banana arkaaya maxaa babac kusaaray.
3) Adduun waa hadhka labadiisa gelin
4) Af jooga looma adeego.
5) Af daboolan waa dahab.
6) Af macaan, gacan macaan baa dhaanta.
7) Af wax cunay xishoo.
8) .Ama afeef hore lahow, ama adkeysin dambe lahow.
9) Ama buur ahaw, ama buur ku tiirsanow.
10) Amaano kugu raagtay yedaa baad moodaa.
11) Aqoon la´aani waa iftiin la´aan.
12) Balan xumo waa diin daro.
13) Baryo badan iyo bukaanba waa laysku nacaa.
14) Bawdo rag maalinba midbaa qaawan.
15) Beeni raad maleh.
16) Been fakatey run magaadho.
17) Beentaada hore runtaada dambey u baasleedahay.
18) Bidaari sibiqbay kugu gashaa.
19) Caana yar iyo ciidan yarba markii lawaayaa latebaa.
20) Cantuubyo jiilaal canba canbuu bidaa.
21) Cidla ciirsi maleh.
22) Ciirtaa dhamaa ceydaada yaqaan.
23) Ciyi waa ka beryey, qofkii cunay baa ka liita.
24) Colka wadhaf ma lagu dayey.
25) Daacadi ma hungowdo.
26) Daarood markuu hal qof ahaa ayuu qabasho lahaa.
27) Dabkii baxayaa dab lagu qabsadaa.
28) Dacas kaa wayni dhiiqaday kugu farjiyaan.
29) Dadqal looma gurguurto.
30) Dagaal wiil kuma dhashee, wiilbaa ku dhinta.
31) Dal aqoon la'aan waa la habaabaa, dad aqoon la'aana waa la qadaa.
32) Daleel marow maradiis geed ma daarow
33) Dameeraha Awdal ninkii ooda ka rogaa arroorsha.
34) Dameeraha ta ugu folxun baa ugu haraati kulul.
35) Dameeraha tan ugu fool xun baa ugu haraanti kulul.
36) Dameeri isku hallayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa.
37) Dammeeraley Dadka la kal maaha.
38) Dan iyo xarrago is weyday.
39) Dan layskuma naco.
40) Dani waa seeto
41) Dantaada derin karkaranna waa loogu seexdaa
42) Dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo.
43) Dantaadana, maqaar eybaa loogu seexdaa
44) hadalbadani haan ma buuxsho
45) Hadal iyo hilbaba kala qalan.
46) Hadal nin badiyeyna ma wada odhan, nin yarreeyeyna kama wada tegin.
47) Hadal nin si u yiri, ninna si u qaaday
48) Hadal waa mergi hadba meel u jiidma
49) Hadal yar iyo hawl badan.
50) Hadalku intuu uurkaaga ku jiro ayuu ammaano yahay.
51) Haddaad hungurootto waa la hadlaa, hab baa la dhisaa wax lagu helo
52) Haddaan sacabka xeeli ku jiran, maxaa habeenkii loo tumaa.
53) Hadday curaddii durdurisay aaran maxaad moodday.
54) Hadday degdegsiiyo door dhalaan, kaadsiiyana kiish lacageey dhalaan
55) Hadday tubaako, faa'iido leedahay Habargidir baa liqi lahayd.
56) Haddii lagu sheego waa lays sheelaa, haddii lagu sheelana waa lays sheegaa.
57) Hal diidaysaa geed ay ku xoqato ma weydo
58) Hal libaax arkaysaa ma godlato.
59) Haliba wiilkay korisaa, wedkeeda leh.
60) Hambo soor maaha.
61) Hangaraarac lug uma dhutiyo.
62) Harag sagaaro iiga kac ma ahee iiga durug ma leh.
63) Hasha naasa adag iyo weedha (hadalka) maxaa kulmiyey.
64) Hashu ragaadka, maysku eryeysaa, mise wayska bixinaysaa.
65) Hawiye ceeb kama baqee, caydhbuu ka baqaa.
66) Hawli jid caddeysay.
67) Hawli jid caddeysay.
68) Heeraa wan ma eh??
69) Heesta geelu waa kala horreysaa.
70) Hilib beer laga dooray waa weyd.
71) Hubkaaga iyo hayinkaaga, midna laguma hodmo.
72) Hunguri wax ka weyn la mariyaa wuu dillaacaa
73) Hunguri weyni kuunto weyni baa laga qaadaa.
74) Hunnu hunnu hadal ma´aha, himbiriirsi arag ma aha.
75) Illeyn doqoni qiiq kama kacdee daamankey meer meerisaa.
76) In habari gasho, hali ma qaado.
77) Inantii hooyadeed hadhuudhka tuntaa, iyana hufkiyo haadiskay barataa.
78) Ilayn daaman nooli ma daalaan, oo dad baanu nahay kaama daayaan.
79) Inta gaari la doon-doonayo, ayaa goombaar wiilkeedu ciidamiyaa.
80) Inta Jiillaal loo adkaysto, jir looma adkeysto.
81) Intaadan falin ka fiirso
82) Intii orod jirey, kuftinna way jirtey.
83) Ishaaduna waa kula fil, dhegtaad
84) Jinni, Ninkii keenaa bixiya.
85) Kaadi badane waa loo gogol badiyaa
86) Kab xume ma hadho ee kabe laawaa hadha.
87) Kaftan iyo kaadi baa laysku cadaaba.
88) Kal caano galeen, xirgi ma gelin (sorry ladies).
89) Kelyo nimaan lahyn bay kaadiyi dishaa.
90) Kibir waa lagu kufaa
91) Kitaab gurigiisii loo diiday, sayax Illaah baa baday.
92) Kitaab meelaan lagu fasirayn laguma furfuro.
93) kuftin jillib iyo habaar waalid midina sahal kuma hadho
94) Kuuryaan iyo kun xabbadood iyo konton jir ha la ogaado.
95) La jiifiyaana bannaan, La joojiyaana bannaan.
96) Laba layskuma daro: bidaar iyo timo, baryo iyo ad-adayg.
97) Laba qaawan isma qaaddo
98) Labaatan jir intuu geed ka booduu talo ka boodaa.
99) Laf jabtay sideedii ma noqoto.
100) Lama huraan waa cawska jiilaal
101) Laxi shilalkay is dhigtaa lagu qalaa.
102) Layligu kasha biyihiisa ku jiruu ka didaa.
103) Libaax deeqi ka gurxamisay
104) Libaax intay bulbushu ku taal, bahal ma cuno.
105) Libaax lab god lagama kiciyo.
106) Libaax nimaan aqoonbaa lax ka rita.
107) Lixdan jir laguma helo qiimigaad laba jirkaa wayday.
108) Loogow (qal ama magac nin) laguu minan fadhiyee.
109) Lugtii jeeni dhaaftaa way jabtaa
110) Luuq luuq marow laasim laamigaas kusoo dhacaa
111) Ma ciil sokeeyaa ku haya, mise ciddi hoosteedaa lagaa hayaa.
112) Ma nimaan wax aqoon baad wax la qaybsataa, mise baddaasaad dhurtaa.
113) Ma sugto, Meher ma leh.
114) Ma taagtaa baad guurtaa, mise taako-taako.
115) Ma waxaad yeeshaa, wax naftaada u fiican oo wiilkaaga u xun, mise wax naftaada u xun oo wiilkaaga u fiican. (Car garo).
116) Maalinkii intay ishaada gaadhaa la hadlaa, habeenkiina inta gacantaada gaadho.
117) Maantana far baa maydh la´eey hay fadhiyo geeli
118) Macallin xagaa injir lagama qabto.
119) Madax meel ka sarraysa oo la taabtaa ma jirto
120) Madax muuqda iyo mindi saawira midna lagama samro.
121) Manjo dhooqo leh, kuwo dhaqanaa ka roon.
122) Manjo dhooqo leh, marba mid baa la siibaa.
123) Mar i dage alla ha dago, mar labaadse anays dagay
124) Marba sidaad u jabtaa loo dhutiyaa.
125) Mareexaan ma ahee waa ma riixmaan.
126) Mareexaan waxaad u tahay waa yaqaan, wuxuu kuu yahayse ma yaqaan.
127) Maroodi takarta saaran ma arkee, ta kaluu arkaa.
128) Martidu marka hore reerkaa ka naxa marka dambena iyadaa kala naxda.
129) Mas ii dooro daris ma nagadi koraan?
130) Maxay ka nuugtaa ama ku nuugtaa, bushmo iyo naaso midna maleh.
131) Meel hoo u baahan hadal wax kama taro
132) Meelaad ku dhashay, waa meelaad ku dhimatay.
133) Meelaad madaxeeda tahay, manjo lama noqdo.
134) Meeshaad ku qubaysataa lagu qalalsadaa.
135) Midho geed saaran, kuwo guntiga ku jira looma qubo.
136) Midiidin la'aan waa la midgoobaa.
137) Milil hoostii lama dhayo, haddii la dhayana qudhun baa looga dhacaa
138) Mindidii qooqdaa dib bay u qaddaa
139) Mira daray duuduubkaa lagu liqaa
140) Miro gunta ku jira miro geed saaran looma daadsho..
141) Misbax minankaga u mugdi ah, minan dadow ma loogu nureyo????
142) Mugdi, arlaada geed ii goduh???
143) Mukulaal minankeedii joogtaa miciya aar bay leedahay
144) Mulac, dilistiis isaga waw qudh gooyo, carruurtana waw cayaayir.
145) Muruqa laba suulle ninba si ku ah.
146) Naag godan dhalatay ama gaajo la godnayd ama cudur
147) Naag kun baa koodisa ,kow baana guursada
148) Naag la furay fadhi uma yaal
149) Naag Majeerteen waa qaalin geel ah oo waa soo meecaadaa oo ka soo raysaa
150) naag Mareexaan waa sagaaro oo ka soo rayn iyo ka soo darid midna ma le
151) Naag, naag ka umulisay iyo nin reer u weyni, midna siday wax u ogyihiin uma sheegaan.
152) Naagaha iyo carruurtaba sasabaa lagu wadaa
153) Naagi naag lala qabo waa u col
154) Naagi nimay legdaan, kama kacaan.
155) naagi ninkay legedo kama kacdo
156) Naago abaal ha u gelin amaahse ha u diidin
157) Naago badhaadhahooda ayey ka sheekeeyaan, ragna ba'ooda
158) Naago been baa lagu soo xero geliyaa runna waa lagu dhaqaa
159) Naago iyo riyaba diifta ayey isku eryoodaan
160) Naago jilayc iyo naxariis midna wax kuma laha
161) Naago nimaan maddaxooda maja u rogin nin ma moodaan
162) Naago iyo caruuriba nin ay yaqaaniin codow ma moodaan
163) Naago waa belo loo baahan yahay.

 maahmaahyo sadex sadex ah 

SADEX WAY KUGU DHIBAAN HADII LOO DHAAFANA MA DHAQAN KARAAN

1- DHALIN YARO DUMAR WAYKUGU DHIBAAN HADII LOO DHAAFANA MA DHAQAN KARAA.
2 DHUR WAA XOOLO WUU KUGU DHIBAA HADII LOO DHAAFANA MA DHAQAN KARO,
3 DOQON XUKUN WAYKUGU DHIBTAA HADII LOO DHAAFANA MA DHAQAB KARTO.

SADEX NIN WALIGAA MAGAARTID

NINKA KAA FARAS DHEEREEYA MAALIN MAGAARTID
NINKA KAA DAAQSIN FIICAN SANAD KUMA GAARTID
NINKA KAA NAAG FIICANNA WALIGAA MA GAARTID

SADAX LALAMA DEGO
1 FULAY DAAN DAANSI BADAN
2 BAKHEYL DAYRO BADAN
3 IYO DOQON FICIL BADAN

Saddex baa la yidhi: Lixdan jir lexojeclo ha la wadaagin; afartan jir ha la garramin; labaatan jirna ha la legdemin.


SADEX, SADEX KA BARI WAAD KA HELAYSAA SADAX HAKA BARIN KAMA HELAYSIDE

1 ILLAAHAY JANO KABARI WAAD KA HELAYSAA WAARITAAN HAKA BARIN, KAMA HELAYSIDE
2 DUMAR GUUR KA BARI WAAD KAHELAYSAA YEEYNAAN ISDAGAALIN HAKA BARIN KAMA HELAYSIDE,
3 CULIMO DIIN KA BARI WAAD KA HELAYSAA XOOLO HAKA BARIN KAMA HELAYSIDE.

Saddex Ilaah waa karaa, mase suurowdo: Ilaahow guursan maayee wiil i sii; Ilaahow shaqaysan maayee xoolo i sii; iyo Ilaahow ku caabudi maayee jannada i gee.


SADAX MUGDI WEEYE SADAX BAA MAARO U AH SADAX BAA KA MACAAN SADAX BAA MEELNA KA WEYSAY

1 ABAAR MUGDI WEEYE WAX LAGU MOODO HADIILAHELAA MAARO U AH, AARANBAA KA MACAAN NIN BEER IYO XOOLO LAHAYNBAA MEELNA KA WAAYEEY.

2 MUGDI MUGDI WEEYE DAYAXBAA MAARO U AH, MAALINBAA KAMACAAN,
INDHOOLE BAA MEELNA KA WAAYEY.

Saddex lama raaco: Ma horreeye, ma hambeeye, iyo ma haasawshe.

SADEXBAA RAG U LIITA: MA TASHADE, MATASHIISHE, IYO MA TOSHE

SADEX DAGAAL MUGDI WEEYE IN FOODA LAYSDARAA MAARO U AH NABADBAA KA MACAAN RUUX DAKANO QABAA MEELNA KA WAAYAY.

Saddex markaan bartaan ka gaboobay: Dab ollolintiis, carruur aamusinteed, iyo awr carraabintiis.



LABO LAGUMA GUULAYSTO

1 MAALAAY DUUR LAGA DOONAY IYO MASLAXO NAAG LAGA DOONAY,
LABO MADAMAAN CADHO NIRIG KA KACDAY IYO COLAAD NAAGO KICISAY.

GEELOOW SOCO,SOCO OO MAR-KAAD CIIN DAAQDO BAA LAGUU YAABAA!!!!

GEELOOW SOCO,SOCO OO MAR-KAAD CIIN DAAQDO BAA LAGUU YAABAA!!!!

Baadida nin kula doonayaa jira,oo daala kaa badane,

oon doona-hayn inad heshana, daayin abdkiiye,

dadkuna moodi duul wada dhashay, oon wax u dahsoonayne,

dala-na ma laha aakhiro, haddii loo kitaab dayo'e ,

Waxa la yidhi MACAL-CUNE MUUQAN DOONAA, nin wali-ba XAQA uu is yidhaaho qari oo DED, meel hoosa-na ku huurso, uma suuro gasho oo isaga oon filayn buu sida LIKA-HA KA SOO FUURAA dhulka hoos-tiisa oo uu qarxaa, waxa saaka sidaas ka dhigan xusbiga KULMIYE oo inta badan lagu eedayn jiray wuxu ka soo hor jeedaa, CARQALAD-NA ku yahay ICTIRAAFKA SOMALILAND, kolba-na damba-besi jiray, daah-na saari jiray oo dafiri jiray, weli-ba aan ANIGAY-GAN AH ABDI-SHOTALY dhawr jeer ka difaacay weeraro ku lug leh arintan, rag badan oo sheekadan ayidsa-naana aan ka doodnay amase aan kula muramay waa ina wax kama jiraan baa maanta noqotay JINOOW BAALKA KA QAAD AAN BADH KUU JEBIYO'E, siddii macdan-ta ku dhalaasha dhulka hoos-tiisa ee loo yaqaano FOOL-KAANA-HA bay mar qudha qaraxday oo hawada isku shareer-tay, taas oo maryaha ka xayday, qaawisay, kana dhigtay mudug dhar la'aan ah, meel banaa-na soo taagatay siyaasadda, maskaxdda, iyo tabcoo-yinka uu soohaayo ee ku lidka ah gooni isu taaga SOMALILAND kana dambeeyo oo uu hoos daadi-naayo KARII-RADAHA haki-naaya geedi-socodka dhulka hooyo (SOMALILAND) ee aan intaa ku taamayno in aan gaadhno, madma-doow kuma jiro in imika uu xusbiga KULMIYE DAGAAL toos ah oo cidhba-ha ku jaraayo, boqna-ha ku goonaayo, laba-diblena silsilad geed dhabarka ugu xidhay, isaga oo wejiga JIRADA u saaray, indha-hana fara-ha ka geliyey, oo intu qoofal ku shakaalay ISBAARA-NA ( bir ku kala xidhay) ku sameeyey WADO XAGAAF-TII ay maraysay SOMALILAND, waa ayaan daro uu KULMIYE ku mijo xaabi-naayo qadi-yadda SOMALILAND, mid uu ka warwa-reegi karo-na maaha sabab-tu waa tan hoos ku taal ee akhri.

Warka ka soo baxay WASARAADDA ARIMAHA DEBEDDA ee INGIRIISKA, waxa uu sheegayaa, in wasiirka amuuraha AFRIKA u qaabilsan uu la kulmay mudo dhawayd ninka la yidhaaho MAXAMED CABDILLAAHI oo ah safiirka KULMIYE u jooga BOQOR-TOOYADDA INGIRIISKA una sheegay in uu MADAX-WEYNAHA SOMALILAND yahay ka hor taagan doorashadda la filaayo in laga qabto dalka siddii loogu tala galay markii hore, oo uu riixaayo siiddii dib loogu dhigi lahaa, cadaadis-na uu saaraayo GOLE-YAASHA GUURTIDDA, XILDHI-BAANADDA, KOMISHANKA waayo wuxu doonayaa in uu mudadda sii korodh-sado, taasina waxay ifii-misay si weyna ay u muujisay in Mr MAXAMED CABDILAAHI uu ka turju-maayo, debeda-na uu soo dhigay UUR-KU-JIRTII kulmiye, fashiliyey waxa ka guuxaaya iyo waxa uu ku mashuul-san yahay MAAMULKA uu metalaa, waana sheeko DHICI-SOOWDAY oo u muuqta in KULMIYE aan raali ka ahyan horumarka SOMALILAND, ee uu mud-naanta siinaayo siddii uu kursiga u dhaxli lahaa, laakiin aanay dan kale ka lahayn, maalintii dhawayd ee MADAX-WEYNE-KU-XIGEENKU ka hadlaayey SOOMAALIYA IYO INKA XIDHIIDHKA ina dhex mari kara wixii KULMIYE ka dhacaayey iyo qaylo dhaantii uu afka gacanta geliyey qof aan maqlay-nini ma jiro, eedi uu WADAADKA AXMED YAASIIN la fuulay saw saaka maaha KIIS ISKA WAAL iyo ciiro isku qaris ma noqon, warankii uu ku riday AXMED YAASIIN saw guraddii KULMIYE ma fadhiisan.

Waxa WASIIRKU u yeedhay oo si deg-deg ah u soo gelaya LONDON MADAX-WEYNE RIYAALE halkaas oo su'aalo lagu weydiin doono, ku saabsan beentii ku kashi-fantay ee uu SOMALILAND ka gubiyey SAFIIRKA KULMIYE, waxay umadda reer SOMALILAND lee-dahay SIREEY SOO CAAD OO SADEXDDA HA GAADHIN, waxa ay been-tana dawo u tahamid-na aan ku sare joogin, ee siddii y oo ogaanaaya xaqiiqdda ummadda, taas oo ay maanata si weyn looga fadhiyo KULMIYE waxa ku kelifay ashto-kadan aan sal, baar iyo xidid ilmo caruur ah oo raad dhaqaa-jiyey dheel-dheeli-yaaya uu SAFIIRKA KULMIYE kula kufay aqalka laga xukumo BOQOTOO-YADDA INGIRIISKA, waxa-na ay wax weyn u dhimaysaa DAMACII KULMIYE ee kursi doonka ahaa, oo noqday KUD-KA GUUR-OO-QANJO-U GUUR, gacan-tiisa buu isku gawracay oo weli-ba QULAA-QULSHAHA raaciyey dhankii kale, sidaas baanu ku soo basaxay QURUB ( kulmiye) xaaraan ah oo guntiisa la soo xaadhay ee muxuu ku hadli cid ka guraysaa ma jirto'e, waxan ku soo gabaga-baynayaa maqaalkan CUUD-KUBA DHARAAR BUU JIILAAL CADAA-DIGA AFKA CAWS LA WAAYAA, ee af-weynta maw dhacay kii la is lahaa wuxu keeni is-bedel oo umaddu bal ha la eegto waxa uu soo wado, laakiin wuxu ku dambeeyey DHICIS CALAA-BUUQ AH oo if-kaba u soo bixin, wuu isku BAKHTIYEY halkii laga sugaayey in uu kala yimaado.

* N.B Ma rabaysmo dhurwaa, oo waxa raali gesha ina uu lafo ruugo.
waa hanad maxamad

iyo kuwa kaloo soo socda

maahmaahyo

164) Naago waa u samir ama ka simir.
165) Naago wax laga bixiyey laguma dhaqo ee wax loo hayaa lagu dhaqaa
166) Naago yaryarasi ma le
167) Naagtii caana xun dhigataa iyana ku murud la'
168) Naaguhu hoosiis bay hadh moodaan
169) NaakirADI intey ku nabto ayay nebi kaaga hormartaa.
170) Naar hooba galaaso bartaa ey la aragneey, tiimbooy (Naar si fiican baa loo galaa, hadii kale banaankaa laga joogaa)
171) Naaso kor u jeeda nin arkaa, kuwo hoos u jeeda ma arko.(bal garo)
172) Nacasnimo ninkeedii dishey
173) Naf wax jecel allaa dhibay
174) Nafeey, nin ku dooney ku waa.
175) Naftu waxay ogtahay ilaashataa.
176) Naxariis eebbe lagama quusto
177) Nimaad dhashay kuma dhalin
178) Nimaad fadhiga kaga adagtahay looma sara kaco
179) Nimaad kabahiisa tolayso, baa kafantaada tolaya.
180) Nimaad kabo ka tolanayso kabihiisaa la eegaa.
181) Nimaan dhididin ma dhergo
182) Nimaan dhul marin dhaayo la'.
183) Nimaan kuu furu doonin yuusan kuu rarin.
184) Nimaan/nagaan shaqeysan shaah waa ka xaaraan
185) Nimay meeli buktaa isagay balbashaa
186) Nin aad kabtiisa tolaysaa, kadabkaaga jaraya
187) Nin ay meeli u caday meeli ka madow.
188) Nin aan hadlin habartiisba qadisay
189) Nin aan kuu furayni yuu kuu rarin
190) Nin aan shaqaysanin shaah waa ka xaaraan.
191) Nin ani yidhi dad iska sooc.
192) Nin casarkii isa sheegay, cishihii ceebi ma qabato.
193) Nin daad qaaday xunbo cuskey
194) Nin dameero dabadood ka degay meel uga tooban buu waayey.
195) Nin dameero rartaa dad la toy ma aha.
196) Nin dhintay kabihiisaa dhaama.
197) Nin durbaan tuntay ilaaq dalbay.
198) Nin duulay dantii kaa og
199) Nin fadhiya, looma saro joogsado.
200) Nin Illaahay ka dambeeya kabtii ma yeela.
201) Nin is faanshey wa ri´is nuugtay
202) Nin iyo naag is qaba colna ma aha nabadna ma aha.
203) Nin jiifa lama legdo.
204) Nin Jiirow (magac) walaalkii yahay, joog-joog ifka ah iyo jiif-jiif aakhiro midna looma soo rogin.
205) Nin kaa dheer wax looma tilmaamo.
206) Nin keligii garramay, iyo nin dhul gannay midna ma gefo.
207) Nin ku necebi xantaa og, nin ku jeclina xogtaa og.
208) Nin kuu digay kuma dilin
209) Nin la dhacay ama caytan ama habaartan.
210) Nin la sugayoow adna yaad sugin
211) Nin maalin ma gaadhid, nina sanad ma gaadhid, nina weligaaba ma gaadhid.
212) Nin qoyani, biyo iskama dhowro.
213) Nin shir ka duday, siigo (boodh, bus, habaas,) yaraa.
214) Nin sigtay ma nabad gelin
215) Nin sigtay ma noola.
216) Nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday.
217) Nin waa inta naaga ka hadha.
218) Nin waalan, walaalkiisaa u miyir qabaa
219) Nin wax yaqaan daaqsin geel baa wax loo mariyaa, nimaan wax aqoonna qaanso qurqurkeed.
220) Nin wayn tag lama yidhaahe wuxuu ku tagaa la tusaa
221) Nin weyni wedkii waa yaqaan
222) Nin magaalo jooga oon baabuur lahayn waa nin Nugaal jooga oon hal lahayn.
223) Nin xil qaaday eed qaad.
224) Ninaan hadlin, hooyadii qadisay.
225) Ninba gurigii gaado ku leh
226) Ninba kaskiisuu kor tagaa.
227) Ninkaad adhi weydiisanayso, geel weydii.
228) Ninkii belaayadaada raba, bawdkaagu qori ka jabsadaa.
229) Ninkii dhimanayaa dheg baa dheer. Ninkii baxaya indhahaa casaada.
230) Ninkii geed fuulay asigi lee kasoo degi
231) Ninkii talin jiray hadduu tago, midaan talin jirin baa yimaada.
232) Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara.
233) Ninkii uurka dabana Illaah baa
234) Ninkii soojoog laga waaya, soo jiifaa laga helaa.
235) Ninna caadadii ma baajo, bahalna ceedhin ma daayo.
236) Ood qaadis iyo jiidis waa isla guri geyn
237) Oodi siday u kala sarreeysaa loo kala guraa ( woqooyi)
238) Qof aan waxa soo socda garan waxa joogana ma garto
239) Qofba untuu cunuu ciidamiyaa
240) Qosol hiil leh.
241) Qosol qoonsimaad noqay.
242) Qufac iyo uur midna ma qarsoomo.
243) Quruxi waa ishaada, qiimana waa ayaankaaga.
244) Rag saddex ka oggow: Gacan gudhan, gar weecsan, iyo guddoon jilicsan.
245) Raad arrooryo dib looma raaco.
246) Rag jidiin baa walaaleeya.
247) Rag la'aan waxba kuma yeeshee Rag xumaa ku disha.
248) Rag waa raggii hore hadalna waa intuu yidhi
249) Rag waa shaah dumarna waa sheeko
250) Rag walaalow wuxuu ku dhaamo la waa.
251) Rag wuxuu kugu bartuu kugu dilaa.
252) Reer ba'ow yaa ku leh!
253) Reer guura raac iyo carruurba loo kala sheekeeyaa, is mase arkaan.
254) Reer, naagbaa kaa raacda.
255) Reerka meelan loo hubsan looma haatiyo.
256) Runi rag kama nixiso
257) Safar waa si wada yeel.
258) Sagaaro intay tub joogto bay tub kale dayataa
259) Sagaaro inteeda waa ku duq.
260) Sagaaro laba cad oo la kal qaado ma leh
261) Sagaaro, mindhaa ima barato.
262) Sahaydaa waa hor, socodkaana waa dib.
263) Salaadba waqtigeedaa la tukadaa
264) Samraa, sammo hela. Samraa, sad hela.
265) Seedi waa beer
266) Shan nin oo shidho qayb leh, hal shanshaa ka baxda, shan ninnaan shidho qayb lahayna, shan shanshaa ka baxda.
267) Shan shidda ma macaysaa.
268) Shiikh markiis yimaado, shariifku, shubaakaduu ka baxaa.
269) Shir looma wada uunsiyo
270) Shir naagood oo shan dhaafay waa shar
271) Shisheeye sheela duxa ma leh.
272) Shubaali waa biyo la bax.
273) Sidee xeedho lagu xagtaa ilkana ku nabad galaan
274) Sir naagood lagama sal gaaro
275) Socdaal waa moodhar, sahayna waa lacag, saaxiibna waa kaba cad.
276) Soo joogso nin laga waayey, soo jiifsaa laga helaa.
277) Soomaalidu waxay casarkii kugu aragtay cishihii kugu caydaa.
278) Soori waa in xil lagaga tago iyo in xarrago lagaga tago.
279) Tabcadaa ma tuugoobo.
280) Tol la'aani waa tows.
281) Tol yarraaday, tafo naagood baa laga dayaa.
282) Tolkaa maw talisay, mase tuugtay.
283) Tolkaaga iyo xaaskaaga midna looma xog weynaado.
284) Tuhun waa sed.
285) tuug la qabtay talo ma laha.
286) Tuug lama xado.
287) Ul jiiftaa ma jabto.
288) Uur mudane iyo uur Berde, midna lama baadho.
289) Waad baahan tahay looma bakhti cuno
290) Waari mayside wax hakaa hadho.
291) Waayeel ha soocine, wax aqoonta sooca.
292) Wadaad jiilaal jooga injir lagama qabto
293) Wadaad waa nin
294) Wadaanta isha ka xumaataa, faylkay la tagtaa.
295) Wadaantii geeleeda kaafida, baa mid kalena kaalmeysa.
296) Wadar iyo waaxid yaa waalan
297) Wadiiqada yari waddiqada weyn bay kugu riddaa
298) Walaalkaa dhuux tagoogaa loogu soo subkadaa (dhaashadaa).
299) Walaashaa iskuma hubtide, seedigaa hays ku ceebayn.
300) Wan weyn illaa la gowraco indhihiisu cirka ma arkaan
301) War jiraaba cakaaruu iman.
302) War la helaaba, talo helaa
303) Waraabe daalay, dirirtiisaa loo tagaa.
304) Waraabe ulla lala gaadhi waa, orodna wax lagaga dhibi waa.
305) Wax aad baratay waa baaskaa
306) Wax aqoon wax looma sheego.
307) Wax la dhalay iyo dhul baa loo marti yahay.
308) Wax la qarshaa ama qudhme ama qubte
309) Wax rag kaa galay rako kaa gale.
310) Waxaad dhuuso moodaysaa, xaar kugu noqda.
311) Waxaan calaf ahayna lama cuno, waxaan hed ahayna looma dhinto.
312) Waxaan kashaada gelin, korkaaga yay dhaamin.
313) Waxaanad filanany iyo fallaari waa kaa fuc siiyaan
314) Waxay sheegatayba ha weydee, waa lagu shareerraa.
315) Wiil intuu ood ka booduu talo ka boodaa
316) Xabaallo waalid baa xoolo lagala baxaa.
317) Xadhko geel ma wada xidhaan.
318) Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan
319) Xalaafo waa Xoogii Xirsi Muude
320) Xarrago dumar xanuun ma leh
321) Xiiso iyo xoorba way dhacaan.
322) Xog mooge xaajo waa dilaa.
323) Xoolo lama cunee dadkoodaa la cunaa.
324) Xoolo quudheed waa la qaataa, soor quudheedse lama qaato.
325) Xoorkii laga dhamay xagaagii iyo xusuus baa geel lagu xer geeyaa
326) Xornimo adaa ku noole,iyadu kuguma noola